Libros importados hasta 50% OFF + Envío Gratis a todo USA  Ver más

menu

0
  • argentina
  • chile
  • colombia
  • españa
  • méxico
  • perú
  • estados unidos
  • internacional
portada Halgankii Gunnimadoonka (in Somalí)
Type
Physical Book
Publisher
Language
Somalí
Pages
218
Format
Paperback
Dimensions
24.4 x 17.0 x 1.2 cm
Weight
0.35 kg.
ISBN13
9781912411719

Halgankii Gunnimadoonka (in Somalí)

Ibraahim Aadan Shire (Author) · Looh Press · Paperback

Halgankii Gunnimadoonka (in Somalí) - Shire, Ibraahim Aadan

Physical Book

$ 12.63

$ 15.00

You save: $ 2.37

16% discount
  • Condition: New
It will be shipped from our warehouse between Friday, July 05 and Monday, July 08.
You will receive it anywhere in United States between 1 and 3 business days after shipment.

Synopsis "Halgankii Gunnimadoonka (in Somalí)"

❝BUUGGANU WUXUU DULMARAYAA marxalad Soomaalida soo martay oo aan weli si buuxda loo soo tebin. Ibraahim Aadan Shire wuxuu si aqoon iyo xirfad leh noogu soo gudbinayaa dhacdooyinkii keenay dullaankii Xabashidu ku soo gashay gobolka Gedo iyo mirihii ka dhashay. Waxaa qoraalku cuskanayaa xogogaalnimada qoraha, oo la noolaa dhacdooyinkaas, tixraacyo qoraallo hore oo si toos ah ama si dadban u taabanaya xaaladdii waddanka ama gobolka Gedo ee waqtigaas. Hab-qoraalka ayaa waxaa xiise u yeelaya in Ibraahim soo xiganayo suugaan hore, sheekooyin iyo qoraal-cilmiyeedyo ilaa laba qarni ka hor laga sameeyey Soomaalida iyo dhaqankooda. Waxaan hubaa in buugganu meel muhiim ah ka geli doono kaydka taariikhda Soomaaliyeed, si guud, iyo tii sagaashanaadkii si gaar ah.❞Qoraa & baresare Cabdulqaaddir Diiriye.Nayroobi, Kiinya ❝WAXAA II FARXAD AHAYD INAAN akhriyo buuggaan, ka hor inta uusan soo bixin. Waxaa ugu horraynba, kusoo jiidanayo magaca buugga. Horay inbadan baynu u maqalnay Halgankii Gobonnimaddoonka, laakiin maantay magaca buuggani waa 'Halgankii Gunnimaddoonka'. Tolow Gunnimana maloo halgamaa, oo mala doonaa? Jawaabta su'aashaa buugga ayaad kala sheekaysan doontaa. Waxa kale oo aad ku dhex arki doontaa baalashiisa sida dedaallo badan oo tacab la geliyay, ugudambayn ugu soo hoobteen meel aysan u qalmin. Xooggii la geliyayna uu u noqday xoog doofaar lagu eryay, iyo hal bacaad lagu lisay. Taariikhdu sida ay dib iskugu celiso ee ay usoo noqnoqoto ayuu iyadana taabanayaa buuggu. Waxaa intaa usii dheer, inuu yahay buug gorfayneed oo heerkii ugu sarraysay ku gorfaynaaya ururkii Al-ltixaad, wixii uu guday iyo wixii uu gaystay. Sooyaalka baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya, ayuu sida oo kale waxbadan ka taabanaya dhigganuhu. Waxaa sii dheer, haddii Tog-Waajale taariikhda ugu suntan tahay inay Amxaaro duullaan kusoo qaadday 1964-tii, dawladnimada Soomaaliya oo markaa un afar sano jirsatay, Booramana ay Xabashidu duqaysay oo arday ku laysay 30-kii Janawari 1984-tii, Gobolka Gedo isaguna maalintii Jimceed 9-kii August 1996-dii, waxa ay u ahayd maalin madow oo ay duullaan cagmaris ah kusoo qaadday dawladda Itoobiya magaalooyinka Doolow, Luuq, iyo Beledxaawo. Duullaankaan iyo daggaalladii ka dambeeyay ee u dhexeeyay jamhaddii Marreexaan ee SNF iyo Ururkji Al-ltixaad, waad ka bogan doontaa idan Alle. Faanoole fari kama qodnee, akhris wanaagsan akhristow.❞Maxammed-Karaama Axmed Xasan.Garbahaarreey, Soomaaliya ❝Dadow maqal daduubtaan ku iri ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiis e Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado.❞Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan

Customers reviews

More customer reviews
  • 0% (0)
  • 0% (0)
  • 0% (0)
  • 0% (0)
  • 0% (0)

Frequently Asked Questions about the Book

All books in our catalog are Original.
The book is written in Somalí .
The binding of this edition is Paperback.

Questions and Answers about the Book

Do you have a question about the book? Login to be able to add your own question.

Opinions about Bookdelivery

More customer reviews